Deg Deg: Doorashada Madaxwaynaha oo dib loo dhigay

310

Doorashada Madaxwaynanimo ee Soomaaliya ayaa mar kale lagu dhawaaqay in dib u dhac uu Ku yimid.

Shir jaraa’iid oo ay Magaalada Moqdishu Ku qabteen Guddigga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa waxaa markale ay Ku shaaciyeen in doorashada madaxwaynaha dib loo dhigay.

Guddiga ma uusan carabaabin xiliga la qaban doono doorashada madaxwaynaha hase ahaatee waxaa lagu waramayaa in guddigu ay kala cadayn doonaan 6 bisha soo aadan ee December.

Doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya waxaa la qorshaynayay in la qabto 30 bishan November.

Xildhibaanada aan doorashadooda dooda ka taagnayn ayaa waxaa la sii doonaa Kaararkooda Aqoonsiga halka xubnaha kusoo baxay kuraasta lagu muransan yahay lama xaqiijin doono xildhibaanimadooda.

Waa markii labaad oo dib loo dhigayo doorashada Madaxtinimo ee Soomaaliya.