Deg Deg: Doorashada Golaha Shacabka oo barri si rasmi ah uga bilaaban doonta Baydhabo iyo Kismaayo

499

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa goor dhow Ku dhawaaqay in maalinta barri ah si rasmi ah doorashada xubnaha Golaha Shacabka ay uga bilaaban doonto Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka heer Federal, Maxamed Keynaan ayaa goor dhow sheegay in Barri si isku mid ah Kismaayo iyo Baydhabo ay uga bilaaban doonaan Doorashooyinka.

Afhayeenka ayaa sheegay in Doorashadan bilaabashadeeda ay timid ka dib markii ay soo buuxiyeen dhammaan shiruudihii looga baahnaa.

Maamulada K/Galbeed iyo Jubland ayaa horay u doortay xubnaha uga mid noqon doona Aqalka Sare.

K/Galbeed iyo Jubland ayaa laga sugaya inay soo doortaan min 67 mudane oo ka mid noqonaya Golaha Shacabka.

Magaalada Garowe ee Xarunta Puntland waxaa horay uga bilowday doorashada Aqalka Hoose, ayagoo ilaa iyo hadda doortay 10 mudane.