Deg Deg: Guddiga Doorashooyinka oo laalay natiijada kursiga beesha Gaabane

427

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan aqbali doonin doorasho uu Ku soo baxay Maxamed Axmed Abti-doon, taasi oo maanta ka dhacday Magaalada Cadaado.

Kursigan ayaa waxaa uu yahay kursi ay leeyihiin Beesha Gaabane, ee Saleebaan oo muddo dheer ay Ku fadhiday Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi.

Warar Ku dhow dhow guddiga Doorashooyinka dadban oo uu helay Xaqiiqatimes ayaa waxaa uu sheegayaa in guddigu aysan aqoonsanayn Natiijada doorashada uu maanta kusoo baxay Mr. Abti-doon.

Guddigu waxaa ay sheegeen in kursigaasi ay u aqoonsan yihiin kursi haween oo sidoo kale ugaaska Beesha Gaabne, Saleebaan Habargedir, uu u asteeyay kursigaasi kursi haween.

Xildhibaan Caasho Xaaji Cilmi oo kursigaasi Ku fadhiday mudo Ku dhow 16 sano ayaa maanta la sheegay inaysan ka qayb galin doorashada ka dhacday Magaalada Cadaado ee gobalka Galguduud.