DEG DEG: ku dhawaad sadex qarax oo xoogan ayaa kadhacay xaafada Eastleigh

231

Ku dhawaad ilaa sadex qarax ayaa ka dhaceen xaafada Soomaalidu dagan tahay ee magaalada Nairobi Kenya. Qaraxyada oo si xoogan looga maqlay guud ahaan xaafada Easleigh iyo xaafadaha ku dhaw ayaa waxay kala danbeeyen daqiiqado iyada oo lasheegayo agagaarka supermarkat-ka loo yaqaano Joster in mid kadhacay uu qasaaro geestay ayna ku dhinteen ilaa shan ruux. Sikastaba ha ahaate, shalay ayay aheed marki bomba lasheegay ninki aasayay in ay ku qaraxday ay kadhacday isla xaafada islii. iyada oo ay kusoo beegmayan qaraxyadan xili madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata iyo qaar katirsan ganacsatada, Odayaasha, iyo dhalinyarada kudhaqan xaafada islii ay ku yeesheen madaxtooyada kulan balaaran oo looga hadlayay amaanka xaafada islii iyada oo madaxweynaha ka codsaday bulashada xaafada islii in ay dowlada kala shaqeeyan amniga wadanka iskana kaashadan ka hortaga falalka amni daro ee xaafada kusoo badanayay mudooyinki danbe. Ugu danbeyn qaraxyadan soo laalabtay ayaa ah wax lala yaaban yahay iyada oo laxusayo in ay arintaan ahayn wax ay kadanbeyn karaan dadka Soomaaliyeed ee kudhaqan xaafada islii lakin la dhihi karo waa arin lagu doonayo dhibaateynta Soomaalida kudhaqan xaafada islii ee magaalada Nairobi dalka Kenya.