Deg Deg: Hiir-shabelle oo hiir cad Madaxwayne doortay

610

Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa goor dhow lagu doortay Madaxweynaha cusub ee  uu  yeelanayo Maamulka Hirshabeelle kaasi oo howshiisa ay soo soctay mudo ka badan Hal sano.

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle waxaa u tartamayay Musharaxiinta kala ah Maxamed Cabdi Waare iyo Cali C/laahi Cosoble, iyadoo inta aysan Doorashada bilaaban uu u is casilay  musharaxa Cali Maxamed Caraale oo ahaa Musharaxii Saddexaad.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa intooda badan codkooda siiyay Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble.

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle ayaa lo doortay Cali C/laahi Cosoble oo helay 61 halka Maxamed Cabdi Waare oo la tartamayay Cali C/laahi Cosoble uu helay 36.

Madaxweynaha cusub ee Maamulka Hirshabeelle Cali C/laahi Cosoble ayaa loo dhaariyay xilkiisa cusub, waxaana goor dhow laguda geli doonaa Doorashada Madaxweyne ku xigeenka Maamulkan.