Deg deg: Maxamed Cismaan Jawaari oo loo doortay Gudoomiyaha golaha Shacabka

316

Xuldhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta doortay gudoomiyahooda kaasi oo hogaamin doontaa afarta sano ee soo socda.

In ka badan 275 xubnood ayaa u codeeyay afar musharax oo kala ahaa gudoomihii hore baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Cabdifatax Maxamed Ibrahim Geesey, Cabdirashiid Maxamed xidig, iyo idiris Cabdi dhaqatar.

Sida muuqata waxaa si aqlabiyad ugu guulaystay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ka dib markii uu helay codad gaaraya 142 cod.

Walina Laguna dhawaaqin natiijada.

Cabdirashiid Maxamed xidig waxaa uu helay 99 cod.

Cabdifataax Maxamed Ibrahim Geesey, waxaa uu helay 17 cod.

Idiris Cabdi Dhaqtar waxaa uu helay 2 cod.

Gudoomiye jawaari ayaa ahaa gudoomihii hore ee baarlamaanka isagoo xilkaasi hayay afartii sano ee lasoo dhaafay.

Maalinta barito ah waxaa la filayaa in doorasho ay dhacdo taasi oo xildhibaanadu ay ku dooran doonaan gudoomiye ku xigeenada.