Deg Deg: Mid ka mid ah Ergada doorashada oo lagu toogtay magaalada Caddaado

275

Wararka ka imaanaya magaalada Caddaado ee xarunta maamulka Galmudug ayaa sheegaya in maanta afafka hore ee madaxtooyadda Galmudug lagu dilay mid ka mid ah Ergada doorashada.

Ninka la dilay oo Ergada ka tirsanaa ayaa la sheegay in la dilay ka dib markii uu isku dayay inuu xarunta dhexdeeda ka semeeyo qashqashaad ka dhan ah doorashada.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ninka ay toogteen Ciidamada ammaanka xarunta gaar ahaan kuwa AMISOM.

Doorashada ayaa istaagtay ka dib dilka.

Waxaa maanta intii doorashadu ay socotay  la doortay Mustaf Dhuxlow oo ka xilal kala duwan kasoo qabtay Xukumadahii ugu dambeeyay ee dalka soo mara.

Wixii faah-faahin ah goor dhow ka dheeho Xaqiiqatimes.com