DEG DEG: Qarax xoogan oo goor dhow ka dhacay nawaaxiga KM-0

171

Qarax xoogan ayaa goor dhow ka dhacay nawaaxiga Baar Fiat ee KM-0, kaasoo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana cirka isku shareeray qiic iyo uuro.

Wararka horu dhaca ee aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ku abaaran yahay goob maqaaxi oo ku yaala inta u dhaxeysa Isgoyska Juba iyo KM-0.

Maqaaxida oo ah kuwo lagu shaaho ayaa ku taal dhinaca midig ee wadada marka laga yimaado Isgoyska Jubba, waana goob ay inta badan fariistaan dad kala duwan oo ay ku jiraan Nabadsugida, waxaana ay u dhow dahay bar koontarool ay leeyihiin ciidamada nabadsugida oo ku yaal Baar Fiat.

Dad goob joogayaal ayaa sheegaya in goobta qaraxa ka dhacay ay soo gaareen ciidamo ka tirsan nabadsugida, kuwaasoo wadada xiray.

Qaraxa ayaa ahaa gaari, hase ahaatee lama oga inuu ahaa gaari qof isa soo miidaamiyay watay ama gaari wadada dhinaceeda la dhigay.

Ma Cada qasaaraha ka dhashay qaraxa ka dhacay nawaaxiga KM-0, iyadoo ay adag tahay in la helo warar rasmi ah.

Gawaarida Ambalaaska loo yaqaan ayaa dhawaaqooda la maqlayay, kuwaasoo soo daad-gureyn raba dhaawacyo ka dhashay qaraxa.

Agagaarka Baar Fiat ayaa waxaa bar koontarool oo laga ilaaliyo Xarunta Nabadsugida ee Gurigii Habar Khadiijo ku leh Ciidamo ka tirsan Nabadsugida, kuwaasoo gaadiidka isticmaala halkaas weydiiya kaarar aqoonsi, halka gaadiidka kale ee xamuulka iyo BL ay ka xaniban tahay inay wadada ay maraan.

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Xaqiiqa.com