DEG DEG: Ugaaskii Beesha CawraMale oo Caawa Kismaayo Lagu Toogtay

395

War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay ku dileen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose,nabadoon caan ka ahaa magaaladaas.

Nabadoonka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xuseen Gaafow, waxaana uu ka mid ahaa nabadoonada ay lee yihiin qabiilada ugu waaweyn ee degga Kismaayo.

Nabadoonka ayaa lagu dilay xaafada Dalcadda ee Kismaayo, waxaana la shegay in kooxda dishay ay goobta ka baxsatay.

Ciidamada ammaanka ee maamulka KMG ah ee Jubba ayaa gaaray goobta iyagoona wada baaritaan si loo soo qabto kooxda fuliyay dilka nabadoonka.

ma cadda sababta loo dilay nabadoonka caawa maqribkii lagu dilay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Kismaayo waxaa maalmahan ka dhacayay dil qaar kood lagu beegsanayay wax garadka iyo mas’uuliyiinta mamulka Axmed Madoobe, waxaana fulinaayay rag hubeysan.