Deg Deg: Wasiir Xoosh oo Baarlamaanka raali galiyay iyo howshiisa shaqo oo loo fasaxay

141

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa saaka hor-tagay Golaha shacabka, isagoo ka raalli geliyay qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, kaasoo uu kaga hor-jeestay qaraarkii uu Baarlamaanka ku diiday go’aankii Maxkamadda sare.

Hadal uu Wasiirka ka hor-jeediyay Xildhibaanada ayuu ku dalbaday in laga cafiyo hadaladii ka soo yeeray, isla markaana uu raalli gelin ka bixinayo.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa aqbalay raalli gelinta Wasiir Xoosh, waxaana ay u fasaxeen inuu howlihiisa shaqo sii wato.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku kala qeybsamay xaalad uu abuuray Wasiir Xoosh, kaddib markii uu ka baaqday u yeeristii Baarlamaanka, waxaana Wasiirka uu ku sigtay in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, codka kalsoonidana lagala laabto.

Olole ay qeyb ka ahaayeen madaxda dowladda iyo Wasiiro ayaa lagu guuleystay in lagu xaliyo xiisadii u dhaxeysay Wasiir Xoosh iyo Baarlamaanka, kaddib markii arbacadii la soo dhaafay uu kooram la’aan ku baaqday kulankii Baarlamaanka ee lagu waday in go’aan looga gaaro xil heyntiisa