Degmada Cadale oo ay ciidamaddu la wareegeen

206

Askarta-dawladdaCiidamadda dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa si rasmi ah goor dhowayd ula wareegay Cadale iyo tuulooyin kale oo hoostaga degmadaasi, iyaga oo aan ilaa iyo imminka la kulmin wax iska caabin ah kaddib markii ay halkaasi isaga baxeen dagaalyahanka xarakada Shabaab ee Soomaaliya.

Gen. Maxamuud Maxamed Xasan ‘Qaafoow’ oo ah taliyaha hoggaaminaya ciidamadda dawladda Soomaaliya ee Cadale wax ka qabtay ayaa warbaahinta u sheegay in si nabad ah ay kula wareegeen degmadaasi sidoo kalena ay sii wadayaan duullaanka ka dhanka ah Shabaab si buu yiri dib gacanta xukuumadda loogu soo celiyo dhammaan dhulka xeebta ku teedsan ee gobolkaasi Sh/dhexe.

Cadale ayaa ka mid ah degmooyinka dhaca xeebaha badweynta Hindiya waxayna qiyaastii 140km u jirtaa magaalada Jowhar ee xarunta gobolkaasi.