Dhaarinta xildhibaanada oo baaqatay iyo K/galbeed oo xildhibanadeeda ku amartay inaysan ka qayb-galin dhaarinta

224

Shirkii ugu horeeyay ee ay yeelan lahaayeen Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya ayaa dib u dhacay, kaasi oo lagu waday inuu qabsoomo maanta oo Khamiis ah.

Waxaa lagu waday in maanta la dhaariyo xildhibaanada taasi oo aan suurta-galin.

Arintan ayaa sabab u ah 11 xubnood oo guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ay laaleen, kuwaasi 5 ka mid ahaa lagu soo doortay magaalada Baydhabo ee gobalka Baay.

Guddiga ayaa amray in 11 kaasi xubnood doorashadooda lagu laabto.

War kasoo baxay maamulka K/galbeed ayaa lagu diiday warka guddiga, waxaana ay sheegeen in shantooda xubnood aan dib loo soo dooran doonin.

K/galbeed ayaa waxaa ay guddiga warkiisa ku tilmaameen mid loogu danaynayo shaqsi gaar ah.

Warqada ka soo baxday guddiga doorashooyinka Koonfur galbeed ayaa waxaa 69 xildhibaan ee matala maamulkaasi lagu amray inaysan ka qaybgalin shirka maanta lagu wado inuu ka dhaco Muqdisho Laguna dhaariyo xildhibaanada.

 

Halkan ka akhriso warka Koonfur-galbeed

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ee Koonfur Galbeed wuxuu Shacabka

Soomaaliyeed, Madasha Hogaanka Qaranka iyo Beesha Caalamka la socodsiinayaa in

go’aanka Guddiga Xalinta Khilaadaafka Doorashooyinka ay kusoo celiyeen kuraasta 11ka

ah, kuwaas oo 5 kamid ah lagu soo celiyay Koonfur Galbeed uu yahay mid aan xaqiiqda ku

saleysneyn oo hareer marsan habraacyada doorashooyinka 2016.

Guddiga Doorashooyinka KG wuxuu go’aanka GXKH u arkaa in:

  1. GXKH ay yihiin dad aan war u hayn Habraaca Doorashooyinka Dadban,

Warmurtiyeedyadii MHQ ay isku raaceen ee hagayay nidaamyada Doorashooyinka.

  1. Kuraasta lasoo celiyay in ay siyaasadeysan yihiin oo uu GXKH ugu adeegayo dad

dano khaas ah leh.

  1. Dacwooyin been abuur ah oo ay usoo gudbiyeen musharaxiin kusoo hungoobay

helidda kalsoonida shacabkooda oo ay siyaasiyiin dano gaar ah leh ay gadaal ka soo

riixayaan .

  1. GXKH wuxuu sumcad ku raadinayaa inay sumcad dil ku sameeyaan GDGHDD ee KG

taasoo aan marnaba la aqbali Karin.

  1. In ayadoo lawada ogyahay dacwo badan deegaan doorashooyinka kasoo gaareen

GXKH ayaa waxaa cad in Koonfur Galbeed si gaar ah loo bartilmameedsaday halka

kuwa kale la iska indha tiray. Taasina waxay caddeyneysaa heerka musuqa uu ka

gaaray GXKH.

  1. In la iska indha tiray qoraalada caddeymaha ah ee GDGHDD u gudbiyay GDXKH.

Taasoo caddeyn u ah in GXKH ay dad gaar ah danahooda ka shaqeynayaan.

Sidaas darted, Gudiga Doorashooyinka KG wuxuu iska diiday inay aqbalaan dib u

qabashada kuraasta 5ta ah ee ay sheegeen inay soo celiyeen. Kuraastaas oo doorashadoodu

u dhacday si xor ah oo xalaal ah, waafaqsana habraacyada doorashooyinka. Haddaba,

waxaan halkaan ku caddeyneynaa in go’aanka ay soo saareen guddiga XKHD yahay mid

lagu burinayo doorashada ka dhacday deegaan doorashooyinka soomaaliya uu yahay mid

siyaasideeysan oo aan marnaba la aqbali karin.

Waxaan MHQ ugu baaqeynaa inay soo farageliyaan go’aanadan la musuqay ee GXKH ay

gaareen. Sidoo kale Beesha caalamka waxaan ugu baaqeynaa inaysan ku kedsoomin inay

taageeraan go’aanadaas musuqa lagu saleeyay ee ka fog xaqiiqda