Dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa sanadkii 2016 kii

274

Dad caan ahaa oo geeriyoodey
Janeraal Maxamed Cali Samatar,ayaa dalka mareykanka ku geeriyoodey sanadkii tegey ee 2016ka waxaana aas qaran loogu sameeyey magaalada Mugadishu.

 

Janaraal Samatar waxaa uu ahaa nin Soomaaliya caan ka ah, kaalin weynna ka soo qaatay dhismihihii ciidamadii milateriga Soomaaliya burburkii ka hor. Waxaana uu ka mid ahaa golihii sare ee kacaankii ee 21ka oktoober 1969 afganbiga xukunka kula wareegey, isagoo jenanku muddo dheer ahaa wasiirkii gaashaan- dhigga Soomaaliya.

 

Dacwo ah in uu xasuuq ka geystey gobalada waqooyi ayaa muddo ku socotey jenanka hasayeeshee ugu danbeyntii lagu waayey denbigaas.
Dr Xasan al-turaabi , oo ahaa siyaasi, caalim qanuunka iyo shareecada Islaamka isla markaasina ahaa hoggaamiye u ol oleeyaha ku dhaqanka shareecada Islaamka ayaa ku geeriyoodey dalka Suudaan sanadkii 2016ka.

 
Dr Xasan Al-turaabi, waxaa uu ahaa ninkii ka danbeeyey in uu xukunka suudaan qabto Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir.

 

Al-turaabi, waxaa uu shahaada Ditoorada ka qaatay jaamacadda Sarboon ee dalka faransiska. Waxaana uu si aada ugu hadli jiray luuqadaha Englishka, Faransiiska, Jarmalka iyo Carabiga.
Maxamed Xasaneyn Haykal, oo ahaa suxufi iyo qoraa caan ka ah dunida carabta ayaa isaguna geeriyooday sanadkii tegey ee 2016ka.

 
Haykal, waxaa uu qoray buugaag badan oo xiiso leh. Waxaana lagu tiriyaa Haykal in uu ka mid ahaa dadkii ay aad isugu dhawaayeen Jamaal Cabdinaasir madaxweynihii hore ee masar.
Xagga Isboortiga.
Maxamed Cali Kalaay, oo isaguna ahaa feer yahankii adduunka ugu caansanaa xagga feerka ayaa geeriyooday sanadkii 2016ka.

 
Kalaay, waxaa uu ahaa nin madowga maraykanka ah oo muslim ah.
Dr. Butrus Butrus Qaali, oo noqday hoghayihii ugu horeeyey ee carbeed oo jagadaasi qabta ayaa qaahira ku geeriyoodey