Dhagayso: Macheal Keating “Isbadel ayaan ka filaynaa Baarlamaanka Cusub”

400
Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating (Sawir hore, Xaqiiqatimes)

Wakiilka Gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa sheegay in baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ay ka filayaan inay wax badan qaban doonaan sanadkan aynu guda galnay ee 2017.

Mr. Keating, oo la hadlayay barnaamijka QM ee Tubta Toosan, waxaa uu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin Siyaasadda, Doorka Aqalka Sare, Abaaraha iyo waliba Baarlamaanka cusub.

Waxaa uu sheegay in sanadkan 2017 ka uu ku bilowday Jawi wanaag iyo xumaanba leh.

Waxaa uu soo hadal qaaday heshiiskii 1-dii bishan ay magaalada Muqdisho, ku gaareen madaxwaynayaasha maamulada Puntland iyo Galmudug iyo qaraxyadii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay bilowgii bishan Janaayo

Halkan ka dhagayso codkiisa oo turjuman.

Dhaaysane Keating.MP3