Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa booqday dadka dhawacyadu ay ka soo gaareen qarixii qasaaraha badan dhaliyay oo maanta ka dhacay Magaalada Mogadishu.
Ammaanka agagaarka Cisbitaalka Madina ee Magaalada Mogadishu, ayadoo ciidanka Ammaanka lagu arkyay wadooyinka.
Inka badan 30 qof oo qaba Dhaawacyo kala duwan ayaa la dhigay cisbitaalka Madiina.
Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa booqday cisbitaalka xili habeen ah.
Farmaajo, ayaa sheegay in dadka qaba dhaawacyada culus in loo qaadi doono daawayn dalka dibaddiisa ah
Halkan ka dhagayso codka Madaxwaynaha oo warbaahinta kula hadlay cisbitaalka.