Dhagayso: Madaxwaynaha oo faah-faahin ka bixiyay safarkii uu ku tagay Sacuudiga

311

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda federal ka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay safirkiisa iyo waxyaabihii uga soo qabsoomay safrikiisa dalka Sacuudi Carabiya.

Farmaajo ayaa sheegay inuu Casuumad ka helay boqorka dalka Sacuudi Carabiya Salmaan bin Abdul-aziz.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay waydiisteen arimo ay ka mid yihiin sidii Sacudiga uu dor uga qaadan lahaa taakulaynta dadka ay abaaruhu halakeeyeen ee Ku nool Soomaaliya, sidii dowladda Sacuudi Carabiya ay qayb uga qaadan lahayd dib u dhiska dalka iyo inay Soomaaliya ay siiyaan kaalmo Ku aadan Miizaaniyadda dowladda Soomaaliya.

Sacuudi Carabiya waxaa uu sheegay madaxwaynaha inay aqbaleen inay dhammaan codsiga ay u gudbiyeen.

Boqortooyada Sacudiga waxaa ay dayactiri doonaan dhismaha Baarlamaanka ayagoo dhisi doono garoon diyaaradeed oo cusub oo Soomaaliya ay yeelato.

Sidoo kale waxaa lagala hadlay cunoqobataynta Saran xoolaha Soomaaliya.

Halkan ka dhagayso codka Madaxwaynaha