Dhagayso Madaxwaynaha Soomaaliya oo ka hadlay arrimo badan

212

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa  sheegay in hadda shirkaddo badan oo ay kula jiraan heshiisyo dib u eegis lagu samayn doono.

Waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay marwalba wax saxdo.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusay in shirkad kaste oo  aan ka shaqeynin danaha umada Soomaaliyeed in ay joojinayso dowladda Soomaaliya.

Shirkadda Gacanta ku haysa dekeda Muqdisho ayuu sheegay Madaxweynaha Soomaaliya in dhawaan ay dib u eegi doonaan heshiiska ay kula jiraan.

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ka hadlay hadalo ka soo yeeray Madaxwaynaha la doortay ee dalka Maraykanka ee Donald Trump oo ku aadan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Xasan Sheekh, waxaa uu sheegay in Donald Trump uusan wax ka sheegin Somalida ku nool dalka hase ahaatee uu wax ka sheegay Soomaali uu sheegay inay yihiin kuwo haysta dhalashada dalka Maraykanka.