Dhagayso:- Taliyaha Ciidamada Booliska Gen Saacid oo Howlgalo kadhacay Muqdisho kawarbixiyeey

277

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay dad lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada amnigu xalay ka sameeyeen xaafado ka mid ah magaalada Muqdisho, kuwaasoo lagu tuhumayo inay ku lug leeyihiin qaraxyo macmil ah oo lagu qalqal gelinayo amniga Muqdisho.

Jeneraal-sacidHowlgalkan oo xalay ciidamada ammaanku ka filyeen xaafado ka mid ah degmooyinka Howlwadaag, Hodan, Yaaqshiid iyo Heliwaa ayaa intii ay socdeen waxaa lagu soo qabqabtay kooxo lagu tuhunsanyahay ineey ka dambeeyeen qaraxyo macmal ah oo xalay ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo aan geysan wax qasaare ah.

Ciidamada ayaa isgoyska Black Sea ku soo qabtay gaari yar iyo kooxihii watay kuwaas oo isku dayay iney ka baxsadaan ciidamada balse lagu guuleystay in laga soo qabto gudaha suuqa Bakaaraha, haddana waxaa lagu baarayaa xarinta CID-da.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen. C/xakiin Daahir Siciid Saacid oo horkacayay howlgalkii xalay ayaa indhihiisa kusoo arkay guri ay deganaayeen dad rayid ah oo Shabaab ay ku xireen qarax kaas oo ku yaala deegaanka Suuqa xoolaha oo xalay ay ciidamadu ka fuliyeen howlgal lagu xaqiijinayo ammaanka.

[ca_audio url_mp3=”http://www.xaqiiqa.com/wp-content/uploads/2014/02/Gen-Saacid.mp3″ url_ogg=”” autoplay=”true” skin=”regular” align=”none”]