Dhagayso warbixin: Dad abaaro ka soo cararay oo ku qulqulaya Magaalada Baydhabo

249

Xilli abaaro ba’an ay ka jiraan inta badan gobalada dalka Soomaaliya, gaar ahaan gobalada Waqooyi ayaa maalinba maalinta ka dambaysa soo kordhaya dadka kasoo barakacaya goobaha ay abaaruhu ka jiraan.

Gobalada hoos-taga maamulka K_galbeed sida Baay iyo Bakool, waxaa ka jira barakac xoogan oo dadka ay kasoo barakacayaan baadiyaha, ayagoo soo gaaraya maalooyinka, soda magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka baay .

Maalmihii la soo dhaafay waxaa magaaladaasi soo gaaray dad kasoo barakacaya goobaha abaaruhu soda ba’an ay ugu dhufteen.

Dadka ayaa waxaa ay u badan yihiin dad xoolahooda ku waayay abaaraha iyo Biyo la’aanta.

Mudada safarkooda dhulka ah, dadkan waxaa ay la kulmaan dhibaatooyin fara badan oo dhanka bani’aadanimada ah, sida haraad iyo gaajo.

Qaar ka mid ah dadka soo gaaray Baydhabo ayaa waxaa ay kasoo barakaceen deegaano hoos tags degmooyinka gobalada Jubbooyinka.

Qaar ka mid ah dadkan ayaa warbaahinta la hadlay waxaana ay sheegeen in xaalkooda uu aad u liito.

Waxaa la dajiyay xeryaha ay ku book yihiin dadka barakacayaasha ah.

Maamulka K/galbedd ayaa horay u sheegay in xaalad bani’aadanimo ay ka taagan yihiin deeganaada maamulkaasi iyo xeryaha barakacaaysha.

Halkan ka dhagayso warbixin ka hadlaysa dadka kusoo qulqulaya Magaalada Baydhabo.

 Wariye Maxamed Cabdiraxmaan Cabdulle