Dhagayso:- Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duuliska hawada oo Arimo Badan Maanta ka hadlay

201

Coat_of_arms_of_Somalia-620x330Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duuliska hawada ayaa sheegay in wasaaraddu ay dhawaan lasoo wareegi doonto konroroolka hawada dalkeenna.

Wasiirka wasaaradaasi Siciid Qorsheel oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay kulamo uu magaalada Nairobi kula soo yeeshay mas’uuliyiinta hey’adda ECHO ee maamusha hawada dalkeenna, wuxuuna intaa racay iney isku afgarteen sidii ay wasaaraddu ula soo wareegi laheyd howsha maamulka hawada dalkeena.

Wasiirka ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in waqti dhow wasaaraddu la soo wareegi doonto xafiiska adeegga kontoroolka hawada dalka, isagoo hoosta ka xariiqay in wasaaraddu diyaareyso shaqaale farabadan oo Soomaali ah oo ku filan maareynta howshaasi.

Dhinaca kale wasiirka iyo xigeenkiisa ayaa maanta dhagax dhigay dib u dhis lagu sameeynayo xaruuntii hoosada gaadiidka dowlada ee (Auto Bar) iyadoo howshaasina ay fulineyso wasaaradda, wuxuuna wasiirku saxaafadda u sheegay in xarun kasta oo wasaaradda hoos timaado lagu sameyndoono dib u dayactir si loo dardargeliyo adeegyada ay wasaaraddu u heysto ummadda Soomaaliyeed.

[ca_audio url_mp3=”http://www.xaqiiqa.com/wp-content/uploads/2014/02/Wasirka-hawada.mp3″ url_ogg=”” autoplay=”true” skin=”regular” align=”none”]