Dhagayso+Akhriso:- Magacyada Gudiga Doorashadda Maamulka Konfur Galbeed oo lagu dhawaaqay.

312

518Shirweynaha Koonfur-galbeed ee kasocda Magaalada Baydhabo ayaa maanta sirasmi ah loogu shaaciyay Magacyada Gudiga Doorashooyinka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magacyada Guddiga Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ayaa Waxay Kala Yihiin:-
1-Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Maxamed Xaaji Faarax
2-Suldaan Nuur Xaaji Cabdulqaadir Maxamed
3-Ugaas Cabdulaahui Maxamed Cabdi
4- Ugaas Aadan Maxamed Mayow
5-Ugaas Cabduqaadir C/laahi Daasay
6-Suldaan Buube Cabdule Buube
7-Suldaan Xaaji Xuseen Maxamed Macalin
8-Malaaq Cabdirashiid Sheekh Saleemaan Cabdi
9-Ugaas Nuur Shaakow Jibriil
10-Suldaan Xaydar Suldaan Suufi Munye
11-Malaaq Siidow Maadow Muuse
12-Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh Deerow
13-Malaaq Cali Barre
14-Xaawo Sokorow Cali
15-Aweys Sheekh Cabdulahi
Gudoomiyaha, Gudoomiye Ku Xigeenada Iyo Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka KGS waxaa loo doortay Suldaan Xaydar Suldaan Suufi Suldaan Munye, halka Gudoomiye ku xigeennada loo doortay Suldaan Buube Cabdule Buube iyo Malaaq Maxamed Yacquub Sheekh Deerow.
Afhayeenka ahna Xoghayaha Guddiga waxaa loo doortay Suldaan Cabdirisaaq Suldaan Maxamed Xaaji Faarax.
Guddiga Ayaa Waxaa Loo Qaybiyey Sadex Qeybood Oo Kala Ah:-
1-Guduga Amniga waxaa Gudoomiye u ah Ugaas Nuur Shaakow Jibriil, Ugaas Cabduqaadir C/laahi Daasay iyo Ugaas Aadan Maxamed Mayow
2-Gudiga Farsamada iyo Diiwaangelinta waxaa Gudoomiye u ah Suldaan Nuur Xaaji Cabdulqaadir Maxamed, Kuxigeenada Xaawo Sokorow Cali iyo Malaaq Cabdirashiid Sheekh Saleemaan Cabdi.

[ca_audio url_mp3=”http://www.xaqiiqa.com/wp-content/uploads/2014/02/DD.mp3″ url_ogg=”” autoplay=”true” skin=”regular” align=”none”]