Dhagayso+Sawiro:- Madaxweyne Xasan Sheekh “Ciidanka Asluubtu waa Hal-bowlaha Garsoorka”

258

unnamed-21Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad loogu dabaal degayay sanadguurada 44-aad ee ka soo wareegtay markii la aas’aasay ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Munaasabaddan oo uu soo agaasimay Taliska ciidanka Asluubta ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, saraakiisha ciidamada qalabka sida, mas’uuliyiin iyo marti sharaf kale oo munaasabadda lagu casuumay, iyadoo Madaxweynuhu markii u goobta gaaray salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Fanaaniinta kooxda Onkod ee ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa goobta ku soo bandhigay suugaan ay kaga hadlayeen waxqabadka ciidanka Asluubta, iyadoo ay u riyaaqeen dhamaan ka qeyb galayaashii munaasabadda.

Ugu horeyn Jeneraal Xuseen Xasan Cismaan Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa ku dheeraaday ka hadalka waxqabadka ciidanka, isagoo xusay in ciidanka Asluubta ay u taaganyihiin dhaqan celinta dadka xabsiyada la keeno.

Jeneraalka ayaa ka codsaday Madaxda ugu sareysa ee dalka in ay dayactir ku sameeyaan xarumihii hore ee ciidanka Asluubta ay lahady, si ciidamadu ay u dar dargeliyaan howlaha ay qaranka u hayaan.

Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa hoosta ka xariiqay in ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay u taaganyihiin u shaqeynta umadda, isagoo ku dhiiri geliyay inay sii labo jibaaraan howlaha ay ugu adeegayaan bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabada lagu xusayay 44-guurada ka soo wareegtay aas aaska ciidanka Asluubta ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray saarkiisha, saraakiil xigeenada iyo ciidamada kale Asluubta, isagoo intaa ku daray in ciidanka Asluubta ay u taaganyihiin qabashada howlo badan oo dhanka wanaagga ah, una rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Madaxweyne Xasan oo sidoo kale khadbadiisa ku soo hadal qaaday dhibaatada ay dhagar qabashada Shabaab ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, ayaa tilmaamay in goordhaw ay dowladdu ku dhaqaaqi doonto ka ciribtirka maleeshiyada Al-Shabaab iyo ajaanibtooda goobaha ay dalka kaga suganyihiin, isagoo shacabka ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Munaasabadda xuska maalinta ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta markii ugu horeeysay 22 sano kaddib lagu qabtay xaruntii hore ee ciidanka Asluubta oo dib u dayactir lagu sameeyay

 [ca_audio url_mp3=”http://www.xaqiiqa.com/wp-content/uploads/2014/02/Cidanka-asluubta-cod-.mp3″ url_ogg=”” autoplay=”true” skin=”regular” align=”none”]

 

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed