Dhagayso+Sawiro:- RW c/weli oo Kulan la qaatay Jaaliyadda somaliyeed ee Nairobi

227

raisul-Wasaaraha-somaliaR/wasaaraha dalka iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Nairobi, isagoo ku dhiiri geliyay in ay ka qeyb qaataan horumarrada balaaran ee haatan ka socda dalka.

R/wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaa uu uga qeyb galay kulan isaga iyo wafdigiisa lagu soo dhaweynayay oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, waxaana kulanka kasoo qeyb galay qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaaladda Nairobi iyo mudanayaal ka tirsan Baarlamanka Kenya.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa halkaasi ka hadlay xubno ka tirsan jaaliyaddii Soomaaliyeed ee kulankaasi ka soo qeyb galay xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka Soomaaliya kuwaas oo muujiyay ahmiyadda kulankii xalay uu lahaa.

R/wasaare C/weli Sheekh Axmed oo kulanka ka jeediyay khudbad dheer oo dhinacyo badan taabaneysay ayaa ka warbixiyay xaaladda dalka iyo qorshayaasha xukuumaddiisu ay ku dooneyso iney dalka ku horumariso kuna nabadeyso, isagoo kula dardaarmay jaaliyaadda iney kaalin wax ku ool ah ka qaataan horumarka dalka.

R/wasaaraha iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa lugtii Sadexaad ku maraya booqasho ay kala bixinayaan wadamada deriska ah waxaana la filayaa iney uga sii gudbaan dalka Uganda.

 [ca_audio url_mp3=”http://www.xaqiiqa.com/wp-content/uploads/2014/02/RW-cabdiwale-.mp3″ url_ogg=”” autoplay=”true” skin=”regular” align=”none”]

 

MG_1819.CR2_ MG_1826.CR2_ MG_1828.CR2_ MG_1830.CR2_ MG_1841.CR2_ MG_1846.CR2_ MG_1847.CR2_ MG_1848.CR2_ MG_1851.CR2_ MG_1859 MG_1872 MG_1876 MG_1878 MG_1889 MG_1896 MG_1903 MG_1911 MG_1937 MG_1950 MG_1966 MG_1973 MG_1982 MG_19271