Dhageyso: Dilalka ilaa 5 Ruux, Kufsi iyo Bililiqo Oo Ka dhacay Degmada Marka

208

Jirdil HangraabSida ay sheegayaan Wararka ugu dambeeyey ee laga helayo Deegaanka Hareerleey oo Duleedka Marka Cadeey ayaa waxay sheegayaan in maanta halkaasi siyaabo kala duwan loogu dilay Shacab aan waxba galabsan.

Haween gaarayey 5 qof ayaa lagu dilay deegaankaasi waxaana dilay Maleeshiyaad Hubeysan iyadoo sidoo kale Xaalad aan wanaagsaneyn laga soo sheegayo isla deegaankaasi.

Mid kamid ah Haweenka ku dhaqan Deegaanka Hareerleey ee Duleedka Magaalada Marka ayaa waxay faah faahin ka bixisay sida dilka maanta uga dhacay deegaankooda iyadoo sidoo kale Cod dheer ku sheegtay in bililiqo ka dhacday deegaanka iyo Haween badan oo la Kufsaday