Shacabka Switzerland ayaa Todobaadkan Laalay oo meesha ka saaray Heshiisyadii ay horey ula galeen Dowladaha ku mideysan Ururka Midowga Yurub.
Codeyn midooyinkan danbe si aad ah loo wada sugayay ayaa dhacday Axadii waxaana ka soo baxay go’aamo aan farxad galineynin dadka badan shaqooyinka iyo magan galyada ka soo raadsada Dalka Switzerland.
Xisbiga SVP oo ah Xisbi ajaanib diid ah ahna xisbiga Garabka Bidix ee dalkan oo horey u keenay qodoabada meel mariyay ayaa mooda in uu ku guuleestay codeyntii maanta dalkaan ka dhacday kadib markii uu helay 53% codeyntii dhacday.
qodobka ugu muhiimsan ee saameynta ku yeeshay natiijadii codeyntii maanta oo axad ah ka dhacay dalka Switzerland, ayaa waxaa ugu weyn is dhex galkii ka dhaxeeyay Dowladaha Yurub iyo Switzerland oo meesha ka bixi doono sida ku cad Natiijadii maanta soo baday.
Waxaana Idiin soo gudbin doonaa Barnaamij gaar ahaan oo arintaasi ku saabsan waxaana igala qeyb galayo Laba Mas’uul oo in mudo ah ku soo dhex jiray arimaha siyaasada iyo Bulshada Dalka Switzerland.
Waana Mustaf Bashiir Gobdon, oo ka mid ah Hogaanka Jaaliyada Soomaalida Switzerland ahne qoraa wax ka qora arimaha dhaqanada qowmiyadaha kala duwan.
Axmed Xil. Axmed Jaamac Fidhbool, oo ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Geneva ,
Halkan ka dhageyso
[ca_audio url_mp3=”http://www.xaqiiqa.com/wp-content/uploads/2014/02/Switzerland-vivasax.mp3″ url_ogg=”” skin=”regular” align=”none”]