DHAGEYSO: R/wasaaraha oo khudbad ka jeediyay shirka Dooxa “SAWIRRO”

401

 

Qadar-4-613x420

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ku sugan dalka Qadar ayaa khudbad ka jeediyay shirka Magaalada Dooxa ka furmay.

Shirkan oo uu furay Amiirka dalka Qadar Sheekh Amiin ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dalka

Shirkan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saarayaa arrimaha Abaaraha, Amniga, kobcinta Dhaqaalaha, Qaxootiga iyo waxyaabo kale, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalka Qadar.

Mudane Xasan Khayre ayaa khudbad ka jeediyay shirka, taasi oo uu kaga hadlayay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan Abaaraha ka jira dalka, kuwaasi oo saameeyay dadka iyo duunyada.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhinacyada ka qeyb galaya shirka waxa uu ka codsaay in Dowladda Soomaaliya laga taageero dhinacyada horumarka, Amaanka iyo wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu sameeyeen.

Gunaanadka shirkan ayaa waxaa la filayaa in laga soo saarao War-murtiyeed ay isku raacsan yihii Madaxdii ka qeyb gashay.

Halkan ka dhagayso khudbadda Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo English ah oo lagu turjumayo Af -Carabi.

Qadar-4-613x420Qadar-1-630x420Qadar-3-630x420Qadar-1-630x420Qadar-2-630x420