Dhageyso: Shirka jaraa’id ee dib loogu dhigay doorashada Madaxweynaha

320

Magaalada Muqdisho waxaa Maanta shir jaraa’id ku qabtay Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Dadban Cumar Maxamed Cabdulle “Cumar  Dhageey” Waxaana uu kaga hadlay Marxalada ay ku socdaan Doorashooyinka Soomaliya .

Cumar dhagey wuxuu si qoto dheer ah uga hadlay dib u dhac markale ku yimid doorashada madaxweynaha soomaliya isagoona sheegay in Doorashada watqigeeda ay go’aamin doonna Xildhibaanada baarlamaanka Soomaliya marka ay doortaan Guddoonka Baarlamaanka kadib.

Shirka Jaraa’id ayuu ku sheegay in 6-da Bisha December wixii ka dambeeya ay cadeynayaan Doorashooyinka Gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Shirka Jaraa’id