Dhallinyarada iyo Siyaadda: Fursado iyo Faquuq!

613

Soomaaliyadeennan ay Odayadu dhabbada hoggaamineed hor boodayaan, waxay dhallinyaradu ka yihiin Seddex dalool laba qayb tiro ahaan shacabkeenna (75%). Inta aynan ku fogaan awoodda, aragtiyaha iyo sooyaalka da’yarta ee gobannimadii dalka, waxaannu u baahannahay in aannu is tusno Maantadan iyo meertada siyaasadda waxa aan ka goyno.

Dhaliilo badan, iyo dhaleeceyn waa waxa warbaahinteennu kaga hadaaqaan si maalinle ah odayo siyaasadda ku jiray tan iyo dawladnimadeennii, welina aanan ka gaboobin ka soo muuqashada masraxa iyo miraayadda Siyaasadda.

Ma u baahannahay in aan is warsanno waydiin ah: Isbaddal iyo Aragti cusbooneysiin ma u oommannahay, si siyaasaddan fadhiidka ah ee na daashatay aan u dabar jarno, una dhisno Soomaaliyada noo qalanta ee aan ku riyooneyno?

Kolley, waan ku qaldanahy ayay ila tahay in aan ka faallooda heerka baahi ee isbaddal aan ugu harraadsannahay, waan daalnay, xilligan kufaa kaca aan ku jirnana, waxa aan ku gaari karno kaalin sarreysaa waa fursad abuurka in ay da’yartu soo galaan dheesha siyaasadeed ee ay odayaashu dhaqaajin waayeen, wixii la doonaba halooga iin yeelee.

Xayiraadda Xannibeysa Xoogga Da’yarta:

  1. Xadaynta xeerka siyaasadda ee manta oo ku jaan go’an qaab qaybsiga dan la moodka ah ee beeleysan(4.5), waa waxa 1-aad ee hakinaya hab ay aqoonyahannada da’yarta ku haleelaan hannaanka hoggaaminta si loo helo siyaasad hal abuur leh.

Iskama indha tirayno, in ay jirayso sababo sii gacansiinaya qaabkan ay odayaal beeleedku ka yihiin tababarayaasha soo laylinaya xubnaha reeraha u matala iska dhex aragga muraayad siyaasadeedka, balse waa in ay jirtaa in odayaasha laf ahaantood ku qancaan in beel ahaan iyo si guud danta Qarankaba cidda ugu nadiifsan ee hirgalin kartaa ay yihiin da’yarta.

  1. Dastuurka KMG ah oo dafiray doorka dhallinyarada: Waxan filayaa waan wada akhrinnay cutubyada 15 ka ah ee Dastuurka KMG ah ee ka kooban in ka badan 200 oo qodob. Waxaa Dastuurkan ku xarriiqan in la eego xaquuqda Haweenka, ka qaybgalkooda siyaasadeed. Waa arrin fiican in Muwaadiniinta lagu xaq siiyo Dastuurkooda, waxaase Amakaag ah in aanay jirin meel ay dhallinyaradu uga qoranyihiin bogagga Dastuurkan, waxaana lagu fashilmay in wax ka baddal lagu sameeyo, si loogu daro qodobo ku aaddan dhallinyarada iyo sixid guud oo lagu sameeyaba, iyada oo Baarlamaanka imaanaya ee tobnaad uu wax ka qaban doono sida la sheegay.
  2. Da’yarta oo maskax ahaan xabsi ku jura: Marka dal dumo, kaliya dhismayaal ma dumin, ee waxaa la waayay bar baarin bulsho guud, taas oo ay ugu sii darneyd markii Jiilka sii dhammaanaya ee odayaasha ahi ay ku fogaadeen sii luminta faca soo hana qaadaya. Waxba yaannan dhaliilahaas kusii dheeraan ee aan dhallinyaro ahaan iska furno xabsiyada maskaxeed ee ay aaminaadda falsafadda qabiilka na baday.
  3. Hindise Sharciyeedka Axsaabta oon meel marin: Marka ay abuurmaan Isbahaysiyo ama Xisbiyo siyaasadeed waxaa muwaadiniinta si guud u helayaan Fursado ay uga qayb galaan go’aan ka gaarista aayahooda Ummadeed, da’yartun cudud iyo caqli ahaanba way soo muuqanayaan marka ay helaan masrax ay kusoo qataan tababar, tayo iyo layli siyaasadeed ay ugu danbeyn ka soo baxaan, oo ay matalaan.

Fursado:

  1. Doorashada dadban ee 2016: Halkii wakiil ee Aqalka hoose, waxaa soo xulaya 51 ruux oo reerkiisa ah, haddaba halkaas bidhaan fursadeed aan baahsanayn baa jirta. Oo sidee u jirtaa? Tirada guud ee wax soo xulaysaa beel walbaa, dadkeedu waa ku dhanyihiin ayaga oo isku dhafan(Haween, Da’yar, Ganacsato, Aqoonyahanno iyo Duub dhaqameedba), marka waxay dhallinyaradu xod xodasho siyaasadeed ay dhaqaale ku lifaaqantaahy ku kasban karaan matalaadda Beeshooda.
  2. Baraarug Dhallinyaro: 2012 muuqaalka dawladnimo iyo hanka uu ruux dhallinyara ah lahaan karay, waxaa wax uun ka sifeyn kara qofkii Muqdisho joogay, ma jirin han ama rabitaan dhallinyaro ee ku aaddan hunguriyeynta siyaasadda sababo uu Amniga ugu horreeyay darteed. Hadda, dhaq dhaqaaqyada dhallinyaro oo baahay ayaa abuuray fursado fiican oo sidaan aragnaba ay dhallinyaro badan ku muujiyeen xiiseyntooda ku biirista siyaasadda.
  3. Bisayl ka Bulsho ee soo bidhaamaya: Waxaan uga jeedaa, kororka fahamkeenna dawladnimo oo noqday mid ilbaxnimo u sii xuub siibanaya. Hadda dadku ma codeynayaan dhammaantood ama qaybtood, kaliya tiro aad u yar ayaa cod bixiyayaal ah, waxaa hubaal ah, ka sokow dhaqaalaha in ay jiri doonaan kala doorasho ku halbeegan aqoon, iyo bisayl maskaxeed in lagu xuli doono xildhibaannada cusub.

Gunaanad iyo Garwaaqsi:

Garashadeenna markaan kaalmaysanno, dhallinyaro uma baahnin kacdoon iyo laab la kac danbe oo kooxaysi diimeed, qabiil ama tiro yar u adeega. Waa markii aannu mayri lahayn magac xumada Tahriibka, Burcad Badeedda iyo Magac dhabidda aan suubbanayn ee u baxday da’yarteenna daafaha dunida oo idil.

W/Q: Khaalid Cilmi Nuur Jees

Nuurjees@gmail.com