Qarixii Isgoyska Zoobe oo sababay dhimashada in ka badan 350 oo qof, 500 dhaawac

326

Dhimashada iyo dhaawaca uu gaystay qarixii 14 kii bishan ka dhacay isgooyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa korortay sida ay ku waramayaan ilo kala duwan.

Ilo ku dhow dhow dadka ka shaqeeya gurmadka musiibadaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in dhimashada ay gaartay in ka badan 350 halka dhaawaca uu kor u dhaafayo in ku dhowaad 500 oo qof.

Dhimashada ka sokow waxaa jira dad wali la’yahay.

Dowladda ayaa horay u sheegtay in dhimashada guud ee ka dhalatay qaraxaasi inay gaarayso 276 qof.

Weerarkan ayaa ahaa kii ugu wasaaraha badnaa abad ka dhaca Soomaaliya.

Wali waxaa socda gurmad, ayadoo la sheegayo in maanta oo Isniin ah burburka dhismayaasha ku burburay weerarkaasi laga soo saaray maydad hor leh.

Waxaa lagu waramayaa in dadka gurmudka ay wadaan dadaal burburka ay kaga soo saarayaan dad la aaminsan yahay inay nool yihiin, ayadoo la sheegay in ka dib markii qalabka codka soo dhoweeyay la maqlayo dad ka hoos qaylinaya burburka dhismayaasha.