Dib-u-eegista Cahdiga Cusub oo Muqdisho Looga Shiray

82153

Waxaa magaalada Muqdisho 29-kii Luulyo ka furmay shir lagu magacaabay Madasha Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya , oo ahayd mid heer wasiir ah, oo ay kasoo qeyb galeen wufuud shisheeye oo 30 gaarayay iyo in ka badan 120 ergo oo Soomaaliya ka socda, kuwaas oo ay ku jiraan Baarlamaanka, maamullada KMG ah iyo beesha caalamka.

Shirkan oo wajigiisii hore lagu qabtay magaalada Copenhagen ee dalka Denmark ayaa loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho.

Waxaa shirkan si wadajir ah u guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Nicklas Kay. Sidoo kale waxaa madasha goobjoog ka ahaa Raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali, xubno ka tirsan golihiisa wasiirrada, Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug iyo wakiillo ka socda gobollada.

Muhiimadda shirkan ayaa ahaa in dib u eegis iyo dardargelin lagu sameeyo wixii ka qabsoomay ballan-qaadyadii beesha caalamka ay u sameysay Soomaaliya shirkii kan ka horreeyay iyo waxa dowladda Soomaaliya ay ka qabatay howlihii laga filanayay oo ay ugu horreeyaan ballan-qaadyadii ku caddaa cahdiga cusub.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey furitaanka shirka ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay Soomaaliya, gaar ahaan qiimeynta iyo dib-u-eegista lagu sameynayo waxyaabaha ka qabsoomay barnaamijyada dib-u-dhiska, siyaasadda, amniga, dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo sida dalka looga dhaqangeliyay nidaamka baahinta xukunka ee federaalka ah.

“Sanadkii 2013-kii markii la ansixiyay Cahdiga cusub (New Deal Somalia Compact), ayaa waxaa Dowladda Federaalka ah, Baarlamanka, gobollada Soomaaliya iyo beesha caalamka ay abuureen iskaashi ku saleysan hadafyada horumarinta ee dhinacyada kala duwan ee muhiimka u ah dib-u-dhiska Soomaaliya. Sidaas darteed horumarka la doonayo in dalka laga dhaqangeliyo waa mid loogu talagalay in lagu taageero dib u soo nooleynta iyo tayeynta hay’adaha dowliga ee Soomaaliya, iyo in qof kasta oo Soomaali ah uu dareemo waxqabadka iyo faa’iidooyinka barnaamijkan’’ ayuu yiri Madaxweynaha.

Shirarka noocaan ah ayaan wax la taaban karo kusoo kordhin sanadihii u dambeeyay dib-u-dhiska Soomaaliya, waxaana kharashaadka lagu yabooho intiisa badan ay ku baxaan safarrada madaxda iyo mushaaraadka ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Qaraar kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu kordhiyay sii joogitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya tan iyo bisha Maarso ee sanadka 2016. Taasi waxa ay ififaalo u tahay in dhaqaalaha intiisa badan, sidii caadada ahaydba, loo weecin doono dhanka AMISOM, halka ciidamada Soomaaliya ay ku shaqeeyaan duruufo oo aysan xitaa helin mushaar joogta ah.

Madaxda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore ka hadlay ficil la’aanta dalalka deeqaha bixiya iyo in dhaqaalaha ay ballan-qaadeen aysan soo gelin khasnadda dowladda. Warkaas waxaa sii xoojiyay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo sheegtay dhowr jeer in miisaaniyadda sanadlaha ah oo 50 boqolkiiba laga sugayay dibadda aysan soo gaarin hay’adaha maaliyadda dalka. Taas ayaa keentay in dib-u-eegis iyo mushaar dhimis lagu sameeyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda. Si kastaba ha ahaatee waxaa muuqata in natiijada laga filan karo shirkan iyo kuwii ka horreeyayba ay tahay un warqado la qoro iyo war-murtiyeed qurux badan oo aan dhaafsiisnayn meesha lagu akhriyo.

Dhanka kale, waxaa madasha ka maqan Madaxweyneyaasha labada maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo mid waliba tabasho goonni u muujiyay dowladda dhexe, halka Soomaaliland aysan aqoonsaneyn midnimada Soomaaliya oo ay sheegato in ay tahay dowlad madax-bannaan. Puntland, inkasta oo aysan xiriirka u jarin dowladda, haddana waxay ka cabanaysaa maamulka dariska la ah ee Galmudug oo ay saluugsan tahay qaabka lagu dhisay, inkastoo qodobkii ugu weynaa ee isfaham-darrada keenay isbeddel lagu sameeyay. Waxaa kale oo jira in guddiyada heer federaal qaabka loo xulayo ay tabasho ka qabto. Jubbaland iyada waxa ay horay xiriirka ugu jartay dowladda dhexe kaddib markii uu Barlamaanka federaalka kala diray Barlamaankii loo dhisay maamulkaas.

Howsha ugu culus ee Xukuumadda hor taalla haatan ayaa ah sidii loo dhisi lahaa kalsooni iyo wada shaqeyn dhexmarta Xukuumadda Federaalka ah iyo Maamul-Goboleedyada xubnaha ka ah oo sida muuqata aad u sii kala fogaanaya mar haddii booqashadii Madaxweynaha ee Kismaayo iyo tii Raysul wasaaraha ee Garoowe aysan waxba kasoo qabsoomin.

Arrinta kale ee xusidda mudan waa go’aankii Barlamaanka Federaalka ah iyo Xukuumadda ee ahaa in aan dalka laga hirgelin karin doorasho hal qof iyo hal cod ah. Dib u dhacaas ku yimid mid ka mid ah tiirarkii ugu weynaa ee hiigsiga 2016 ayaa laga yaabaa in uu keeno dib u gurasho iyo gaabis dhanka beesha caalamka ah oo aan ku kalsoonaan karin ballan-qaadyada ay mar walba dowladda Soomaaliya sameyso.

Cahdiga