Dibad-bax rabshado wata oo maanta ka dhacay Moqdisho

260

Dibadbax balaaran ayaa maanta waxa uu ka dhacay wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan inta u dhaxeysa isgoysyada Dabka iyo Sayidka ee magaalada Muqdisho kaasi oo looga soo horjeeday isku dhac shalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaasi oo dhexmaray ciidamada dowladda.

Is rasaasayntaasi ayaa waxaa si gaar ah ay u dhex maray ciidamo ka kala tirsan maleteriga iyo kuwa nabadsugidda.

Waxaa Ku dhintay in ka badan 5 askari oo uu ka mid ahaa sarkaal Sare oo ka tirsanaa hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka.

Banaanbaxan ayaa waxaa dhigay dadweyne isaga kala yimid qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasi oo isugu jiray Haween, Dhalinyaro iyo caruur yar yar, kuwaasi oo bartamaha laamiga ku gubay Taayero, sidoo kale halkaasi ku jaray dhagaxaan.

Dadweynaha Banaanbaxa dhigayay oo aad u careysnaa ayaa xiray goobaha ganacsi ee halkaasi ku yaallay, sidoo kale ayagoo wadadaasi  u diiday in ay isticmaalaan Gawaarida ay wataan masuuliyiinta Dowladda iyo dadka shacabka ah.

Dibadbax-4 Dibadbax-3 Dibadbax-2 Dibadbax-1-640x360