Dibadbax looga soo horjeedo maamulka Hirshabelle oo ka dhacay Jowhar

388

Waxaa dibadbax looga soo horjeedo wasiirada cusub ee maamulka Hirshabelle maanta  uu ka dhacay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Odoyaal dhaqameed, siyaasiyiin, dhallinyaro iyo haween ayaa isugu soo baxay degmadaasi, waxaana dadka ay sheegeen in aysan raali ka ahayn hannaanka loo soo magacaabay wasiiradan.

Qaar kamid ah waxgaradkii kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ku hadlayaan afka beesha Jareer weyne oo ay sheegeen in kuraas aan u qalmin laga siiyey golaha wasiirada Hirshabelle.

“Annaga kalsoonida waan kala laabannay madaxweynaha Hirshabelle, annaga nooma qalanto Saddex kursi, waxaan u baahannahay kuraas intaa ka badan, shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegeynaa in dhankeena aanu ku qanacsaneyn wasiiradaasi, qasabna nalaguma siin karo wax aan anaga rabin” ayuu yiri Suldaan Axmed Rashiid oo isagu ka hadlayay banaanbax maanta

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa habeenkii xalay ahaa ku dhawaaqay golahiisa wasiirada,

Waxaa durba soo baxaya diidmada ay muujinayaan xildhibaanno, siyaasiyiin iyo waxgarad ku sugan degmada Jowhar.