Diiwaan galinta musharaxiinta Madaxwaynaha oo bilaabatay

272

Guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha ayaa shaaciyay in ilaa 05:00 pm galabnimo ay socon doonto diiwaan gelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Musharixiinta ayaa lagu diiwaan gelin doonaa xarunta golaha shacabka oo ay ku shiraan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Diiwaan gelinta ayaa socon doonto ilaa 29-ka bishan Janaayo, sida ay  sheegeen  gudiga diiwaan gelinta musharixiinta madaxweynaha dalka.

C/raxmaan Ducaale Beyle, guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in doorashada madaxweynaha aysan dhaafi doonin 8 Febraayo.

Inkasoo musharixiinta ay badan yihiin, ayaa haddana waxaa tartami doono musharixiinta dhameystira sharuudaha doorashada ee sanadkaan.

Waxaa sidoo kale musharixiinta dhamaan ay mari doonaan barnaamij dood ah oo dadweynaha ay la hadli doonaan, kaasi oo dhawaan xildhibaanada golaha shacabka ay ansixiyeen.

Dhanka kale

Musharax Shariif ayaa buuxiyay shurudihii Musharaxnimada, iyadoo la siiyay shahaadada cadeyneysa Musharaxnimadiisa, iyadoo wixii hada ka dambeeya noqonaya Musharax la diiwaan geliyay.
Wararka qaar ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu ku wajahan yahay mid ka mid ah dalalka deriska, si uu u soo gaba gabeeyo safaradiisa u dambeeya ee Ololihiisa dibadda, waana tan keentay inuu goor hore is-diiwaan geliyo.

Musharax Shariif ayaa lagu tilmaamay inuu ka mid ahaa Musharaxa ugu safarka badan oo aan Muqdisho joogin Hal bil oo kaamil ah, waxaana Ololihiisa doorashada uu inta badan ka waday dalka dibadiisa.

Waxaa uu mar kale doonayaa inuu ku guuleysto xilka Madaxtinimada Soomaaliya, waxaana sanadkii 2012 la xasuustaa sida uu u aqbalay guushii raacday madaxweynaha talada dalka hayo tan iyo xiligaasi.

Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in diiwaan gelinta Musharaxiinta ay bilaabatay maanta oo Khamiis ah 26 February, ayna ku eg tahay 29 bishan oo ku beegan maalint Axada.