Afhayeenka Hirgalinta doorashooyinka Dadban ee dawlad goboleedka Galmudug, Yuusuf Diiriye Maxamuud ayaa sheegay in 2-da bishan oo maanta ku began ay bilaabayaan diiwaan galinta musharixiinta ku tartamaya kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamanka.
Yuusuf Diiriye Maxamuud, oo magaalada Cadaado kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay diiwaan galiyeen ilaa 969-Ergo oo dooran doona 19-Xildhibaan oo ka mid noqon doona Baarlamanka Federaalka, islamarkaana ay bilaabeen sameynta kaararka aqoonsiga ee Ergada.
guddiga hirgalinta doorashooyinka Galmudug ayaa tilmaamay in guddigooda ay u qabsoomeen howlo badan, haatana ay ku rajo weyn yihiin in ay si deg deg ah u soo afjaraan kaalintooda.
dhawaan ayaa lagu wadaa in xubnaha dhiman ee Ergada ay soo dhamaystirmi doonaan, si loo suura galiyo doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka ee matali doona Maamulka Galmudug.