Diiwaan galinta Musharixiinta Gudoonka Baarlamaanka oo bilaabatay iyo dib u dhac kale oo laga baqayo

349

Guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maanta ay bilaabaneyso diiwaan gelinta musharixiinta dooneysa xilka guddoonka baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa.

C/raxmaan Ducaale Beyle, guddoomiyaha guddiga qaban qaabada doorashada guddoonka baarlamaanka, ayaa sheegay inay maanta bilaabayaan diiwaan gelinta dadka doonaya inay xilalkaasi qabtaan.

Maanta oo Tallaado ah  oo ay Taariikhdu tahay 03 01 2017-ka ayuu sheegay Mr Beyle, xarunta golaha shacabka inay ka bilaabaneyso diiwaan gelinta musharixiinta guddoonka , ku xigeenka koowaad iyo ku xigeenka labaad ee baarlamaanka.

C/raxmaan Ducaale, ayaa sidoo kale sheegay in maalinta Khamiista ee soo socoto oo bisha Janaayo ku beegan tahay 5, bishan ay ku eg tahay diiwaan gelinta musharixiinta guddoonka baarlamaanka.

Wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay waqtiga loo qorsheeyay doorashada inay ku dhacdo oo uusan imaan wax dib u dhac ah.

Guddigan ayaa shaqadooda waxay ku eg tahay marka la doorto hogaanka baarlamaanka Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha guddiga doorashada baarlamaanka C/raxmaan Ducaale Beyle.

Haddaba malaga yaabaa in dib u dhac uu ku yimaado doorashada gudoonka Baarlamaanka.

Doorashada gudoonka baarlamaanka ayaa lagu waday inay dhacdo 22 bishii aynu soo dhaafnay taasi oo dib u dhacday.

Ayadoo haatan baarlamaan lasoo doortay wadanka uu ka jiro ayna go’aamiyeen in doorashada gudoonka baarlamaanka ay dhacdo 12 ka bishan ayaa waxaa taagan cabsi ah in mar kale dib u dhac uu yimaado.

Hoos ka akhriso jadwalka doorashada gudoonka baarlamaanka ee uu go’aamiyay.

1. 03 ilaa 05 Janaayo 2017 diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

2. 08 ilaa 09 Janaayo 2017 Khudbadaha Musharaxiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

3. 11 Janaayo 2017 Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

4. 12 Janaayo 2017 Doorashada Guddoomiye Ku Xigeenada Koowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda waxaa jira labo musharax oo si rasmi ah u shaaciyay musharaxnimadooda xilka gudoomiyaha Baarlaamaanka.

1 waa Cabdirashiid Maxamed Xidig, oo sheegay inuu u taagan yahay xilka gudoomiyaha. Xidig waa mundane  k tirsan Baarlamaanka, waxaa lava soo doortay Jubaland.

2  Idiris Cabdi Dhaqtar, oo isaguna si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu doonayo qabashada gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Idiris, waxaa mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, waxaa laga soo doortay Koonfur Galbeed.