Diplomaasiyadda Soomaaliya 54 sano kaddib

249

Diplomaasiyadda

Kaddib 54 guuradii xoriyadda Soomaaliya ayaa qormadaan waxaan si kooban ku eegayaa horumarka iyo dib u dhaca diplomaasiyadda Soomaaliya, markii aan furasad u helay muddo sanad ah in aan ka shaqeeyo wasaaradda arrimaha dibedda oo u xil saaran matalaadda xiriirka dibedda iyo iibinta siyaasadda dibedda ee dawladda Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibedda waxey ka mid aheyd wasaaradihii ugu horreeyey ee lagu bilaabay xukuumaddii ugu horeysay 1960-kii markii la qaatay xuriyadda iyada oo lagu bilaabay 6 safaaradood iyo 20 shaqaale, 54 sano kaddib waxey mareysaa in ka badan 50 safaaradood iyo qunsuliyadood, 500 oo shaqaale iyo 300 oo diplomaasi oo ka hawl gala dibedda iyo gudaha dalka.

Soomaaliya waxey ka mid tahay waddamada Afrika ugu safaaradaha iyo diplomaasiyiinta badan, markii loo fiiriyo tirada dadkeeda, baaxadda dhulkeeda iyo awoodda dhaqaalaheeda. Soomaaliya waxey wakiilo ku leedahay in ka badan 50 dal oo ku kala yaal 5-ta qaaradood, waxey xubin ka tahay in ka badan 20 urur oo isugu jira caalami, urur goboleed, urur deegaan, jinsiyadeed iyo mid diimeed, qaar ka mid ah ururadaasi waxey ka aheyd Soomaaliya xubin aas’aase ah sida: Midawga Afrika, Iskaashiga Islaamka, dawladdaha dhexdhexaadka iyo kuwa kale.

Soomaaliya, waxey saxiixday dhammaan heshiisyadii caalamiga ahaa, waxey ogolaatay dhammaan shuruucda caalamiga ah, waxey yeelatay dhammaan xaq dhawrka caalamiga ah sida dhulkeeda, badaheeda iyo hawadeeda mana jirto dawlad aysan xiriir toos ah ama mid dadban la laheyn waddamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay markii laga reebo Israa’iil.

Guul darada Diblamaasiyadda Soomaaliya

Soomaaliaya ayaa lagu tiriyaa dowladaha ku guul dareystay dhanka diblamaasiyadda 54 sano balse inta badan Soomaaliya ayaa ka mid ah dawladaha ku guuleysta dagaalada tooska ah, islamarkaasna ku fashilma dhinaca diplomaasiyadda, waxaana tusaale u soo qaadan karnaa:

Xiriirka dowladaha xubnaha joogtada ka ah golaha ammaanka majirin mid kamida dowladahaasi oo Soomaaliya la lahayd xiriir sokeeye oo joogto ah, gaar ahaan xiligii uu jiray dagaalkii qaboobaa, xukunkii madaniga ee 60 – 69kii wuxuu ku bilowday taageerada reer galbeedka kaddibna wuxuu u guuray bariga. Xukunkii melitiriga 69 – 90 wuxuu ku bilowday bariga wuxuuna ku dhammaaday galbeedka, kaddib waxaan weynay saaxiib sokeeye oo noosoo gurmada islamarkaasna gacan nasiiya. Dowladaha deriska laguma guuleysan xiriir sokeeye oo lala yeesho ama awood siman oo lagula xisaabtamo.

Dawladaha Afrika iyo kuwa Carabtu nooma kala sokeeyaan, kumana lihin saaxiib gaar ah oo noo soo gurmadda marka aan khatar galno.

Ururada aan xubnaha kanahay kuma guuleysan in aan ka helno mid ka mid ah xarumahooda ama laamahooda in ay xarun ku lahaadaan dalkeenna si aan uga helno dhaqaale ama difaac.

Furitaanka safaaradaha iyo xulashada diplomaasiyiinta laguma saleeyo baahida diplomaasiyadeed ee dalku qabo. Kartida, aqoonta iyo waaya aragnimada diplomaasiyiinta Soomaaliya wey ka hooseysaa heerka caalamiga ah, heshiiska Geneva iyo sharciga arrimaha dibedda Soomaaliya.

W/D: Dr. Maxamed Nuur Gacal