Diyaar garowga Xuska Maalinta Afka Hooyo oo laga dareemayo Muqdisho

256

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda dhaq dhaqqaqyo xoogan oo loogu diyaar garowbayo Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka hooyo oo ku beegan 21 Febaraayo,diyaar garowga ayaa waxa laga dareemayaa wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukara oo lagu arkayo calanka wadanka Jabuuti.

Gudigga ku howlan hooshan ayaa u sheegay Xaqiiqatimes in ay kaga dhigantahay maalin weyn in Magaalada Muqdisho lagu qabto maalinta Afka Hooyo ayna ka soo qaybgalayaan madax uu ka midyahay madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele iyo madaxda kale ee deegaanada looga hadlo afka Soomaaliga.

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xayir Maareye ayaa sheegay in ay Dowladda Soomaaliya ay marti gelinayso xuska maalinta afka hooyo ayna uga dhigantahay maalin weyn “Waxaan ku jirnaa diyaar garow maalinta Afka Hooyo waxaana ka soo qaybgalaya madax kala duwan waama maalin taariikh u ah Dowladda Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka warfaafinta.

Hay’adda UNESCO ee Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqday sanadkii 1999-kii in maanta oo kale 21-ka Febaraayo loo aqoonsado maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo