Sida ay xaqiijisay wasaaradda amniga gudaha waxaa shalay galinkii danbe lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee magaalaad Muqdisho diyaarad siday boorsooyin ay lacago ka buuxaan.
Tirada lacagta la qabtay ayaa lagu sheegay 9 Milyan iyo lix boqol oo dollarka Maraykanka.Lacagtaan ayaa waxaa la sheegay in ay ku soocotay safaaradda Imaaraadka ee magaalada Muqdisho.
Dad goobjoogayaal ah aaya caddeeyay in safiirka imaaraadka uu joogay garoonka, laakiin se ilaa iyo hadda wax war ah oo ku aadan lacagta kama soo bixin imaaraadka .
Hey’adaha amniga oo la wareegay lacagta ayaa wali baaraya cidda iska leh iyo meesha ay ku socotay.
Wixii warar ah ee kusoo kordha lacagta iyo baaritaanka socodba waan idiin la socodsiin doonnaa.