Diyaarad siday deeq dawo ah oo Masar ugu deeqday Soomaaliya oo maanta ka soo degtay garoonka Aadan Cade

298

N467JB-under-guard

Dowladda Masar ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku wareejisay Deeq Dawo ah iyo Raashiin, taasi oo ka timid shacabka iyo Madaxda Dowladda Masar.

Munaasabad kooban oo lagu wareejinayay Deeqdan Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Aadan ee Muqdisho, halkaasi oo ay ku soo degatay Diyaarada lagu siday Deeqdan.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur, Wasiir ku xigeenka Gar gaarka iyo maareynta Cilmi Cusmaan Ceynte, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Thaabit Cabid Maxamed ayaa Dowladda Masar kala wareegay Deeqdan.