Diyaaradda Air Djibouti oo duullimaadyo toos ah ka bilowday Magaalada Moqdisho

269

Shirkadda diyaaradaha ee Air Djibouti ayaa markii ugu horraysay in ka badan 25 sano dib u bilwoday duulimaadkeedii magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiinta Jabuuti ayaa sheegay in tallaabadani wax ka tarayso dib u dhiska Soomaaliya.

Diyaaraddan Djabout air ayaa duulimaadkeeda waxaa la sheegay inuu noqon doono mid toos ah.

Wadanka Soomaaliya oo ka soo kabanaya colaadihii sokeeye ayaa isbadel wayn laga dareemay sanadihii ugu dambeeyay.

Shirkadda diyaaradaha dalka Turkiga oo ka mid ah shirkadaha diyaaradeed ee ugu wayn Caalamka ayaa duulimaadyo toos ah  ku samaysa Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Moqdisho.

Diyaaradda ayaa markii ay garoonka diyaaradaha Aadan Cade ay kasoo degtay waxaa baraha Internet ka gaar ahaan twitter ka qabsaday soo dhowaynta iyo hadalo hormarineed.