Diyaarado dagaal oo markale duqeeyay Jilib Soomaaliya

310

Diyaaradaha nuuca dagaalka ee laga leeyahay dalka Kenya, ayaa waxaa ay markale maanta duqeeyeen degmada Jilib ee gobolka Jubada hoose Soomalaiya.

Wararka ka imaanaya Jilib ayaa sheegayaan in diyaaraduhu duqeeyeen Beero ay leeyihiin dad shacab ah, waxaana kasoo gaaray dadka lahaa beerahaas qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jiro.

Ilaa hada waxaa la xaqiijiyay in ay sadex haween ah ku dhinteen halka laba kale ay ku dhaawacmeen duqeyntaas, taas oo sababtay in dadka beeraleyda ah ay iskaka soo baxaan beerahooda, iyaga oo kabaqanayo in markale la duqeeyo.

Sikastaba ha ahaate, ciidamada Kenya ayaa waxaa ay maalmahan ka wadaan degmada Jilib weeraro cirka ah, iyaga oo duqeyn ka geestay laba maalin ka hor usla magaaladaas.

Degmada jilib ayaa waxaa ku xoogan kooxda Al-shabaab, waxaana la sheegaya in saraakiil iyo ciidamo Al-shabaab ah oo aad u fara badan in ay isku aroorsanayaan degmada Jilib.

Www.xaqiiqa.com