Diyaarado nuuca dagaalka ah oo laga leeyahay Dalka Kenya oo duqooyay Jilib Soomaaliya

151

Wararka ka imaanaya magaalada Jilib ee gobalka Jubada Hoose, ayaa sheegaya in galabta la duqeeyay fadhiisimo kooxda Al-shabaab ay kulahaayeen magaalada Jilib ee Jubada hoose Soomaaliya.

Dadka ku dhaqan Jilib ayaa sheegaya in ay maqleen duqeemo kuwaas oo loo maleynayo in ay fuliyeen Diyaaradaha nuuca qumaatiga u kaca ee dagaalka.

Sikastaba ha haate, lama oga ilaa hada qasaaraha kadhashay duqeemahaase inta ay la egyihiin iyo in kooxda Al-shabaab waxyeelo kasoo gaartay, balsa Afhayeen u hadlay ciidamada Dalka Kenya ee kusugan Jubada hoose ayaa waxa uu sheegay in ay duqeymo xagga hawada ah ka geesteen magaalada Jilib ee Jubada hoose

Afhayeenka ayaa intaa waxaa uu kudaray in ay beegsadeen madax katirsan Uruka Al-shabaab kuwaa oo ku sugnaa magaalada Jilib, intaana waxaa uu kudaray in ay ku dileen duqeyntaas horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Majiraan ilaa hada, wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al-shabaab oo ku aadan duqeymahaas ay Dowladda Kenya sheegatay in ay ka fulisay magaalada Jilib ee Jubada hoose Soomaaliya, balsa waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo ay ka hadli doonaan kooxda Al-shabaab.

Www.xaqiiqa.com