Dooda musharixiinta madaxwaynaha oo bilaabatay

294

Khudbad Jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa Goordhow bilaabatay, waxaana Musharaxiinta ay Soo bandhigayaan Waxqabadkooda Hadii ay noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadaljeedinta Ama Khudbadjeedinta ayaa waxaa dhageysanaya Xildhibaanada labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Maanta oo Khamiis ah ilaa iyo Sideed Musharax ayaa khudbado jeedin doona.

  1. Axmed Maxamed Cabdi
  2. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
  3. Bashiir Raage Shiiraar
  4. Jibriil Ibraahim Cabdulle
  5. Xasan Sheekh Maxamuud
  6. Saciid Cabdullaahi Deni
  7. Saciid Ciise Maxamuud
  8. Shariif Sheekh Axmed.Doorashada madaxtinimada Soomaaliya ayaa waxaa lagu wadaa in ay dhacdo sideeda bishan xiligaasi oo tartan adag dhexmari doono 24 musharax oo dhamaan u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya