Doolow: wasiir ka samatabbaxay isku day weerar

187

Cabdirashiid-Xasan-Cabdinuur

War degdeg ah oo imminka soo dhacay ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lala bartilmaameedsado wasiir ku xigeenka amniga iyo arrimaha gudaha dawlad gobolleedkaasi Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, ay goor dhowayd ciidamaddu fashiliyeen.

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur oo warbaahinta kula hadlayay goob lagu gubayay gaarigaasi iyo dhammaan walxihii saarnaa oo ku taalla duleedka degmada Doolow ee gobolkaasi Gedo ayuu ku ammaanay ciidamadda weerarkaasi ay ka hortageen.

Inkastoo aanu faahfaahin dheeraad ah ka sii bixinin sida lagu qabtay gaariga qaraxa waday, haddana weerarkaasi ayuu Cabdirashiid ku eedeeyay dagaalyahanka xarakada Shabaab ee dagaallada kula jira maammulkaasi.

Dhowaan waxaa lagu qabtay gudaha Doolow rag qorshaynayay inay qarxiyaan xarun hey’addeed iyo buundada weyn ee degmadaasi.

Qaramadda Midoobay ayaa cambaareysay isku daygaasi lala maagganaa in lagu burburiyo dhismeyaashaasi.