Dooni ganacsi oo ku degtay meel u dhow Boosaaso

242

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ku degtay dooni Ganacsi oo u rarneyd ganacsato Soomaaliyeed.

Doonida ku Degtay Xeebaha Magaalada Boosaaso ayaa lagu Magaacaabi jiray Alkhaadiri Waxaana ay kaTimid Dalka  Cumaan iyadoo Shixnad Ganacsi u Siday ganacsato Soomaaliyeed.

Maxamed Cabdikarim, oo ka mid ah dadka ku  nool magaalada Boosaaso, ayaa Xaqiiqatimes, u sheegay in Doonida ay ku degtay Qiyaastii meel 14 Mile uun u jirta Dekada Magaalada Boosaaso.

7 Qof ayaa laga soo badbaadiyay doonidaasi.

7-da Qof ee laga oo badbaadiyay Badda ayaa waxaa soo Helay Kallumeysato Ku suganeyd Xeebaha Magaalada Boosaaso iyadoo qaar ka mid ah Xaaladooda ay aad u Liidatay.

Waxaana Lagula tacaalaya Isbitaalka Magaaalada Boosaaso ee gobalka Barri .

Ciidanka Badda, ayaa sheegay inay Baadigoobayan Shan qof oo wali lagu la’yahay biyaha  badda.

Dadka lasoo badbaadiyay ayaa waxaa ku jira dad u dhashay dalka Hindiya, sida wararku ay sheegayaan.