Doorashada Aqalka Hoose oo ka soconaysa Baydhabo iyo Kismaayo

210

Doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee Golaha Shacabka ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo xarun u ah Maamul gobaleedyada Jubaland iyo K/Galbeed.

Ammaanka goobaha doorashooyinku ay ka soconayaan ayaa aad loo adkeeyay.

Maamulka K/Galbeed Soomaaliya ayaa ilaa iyo hadda doortay 4 mudane oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Kursiga kowaad ee Golaha Shacabka waxaa Ku guulaystay Ibraahim  Isxaaq Yerow oo mar ahaa wasiirka Warfaafinta Soomaaliya iyo wasiir Ku xigeenka Wasaaradda amniga Qaranka.

Ibrahim Yerow ayaa helay codad gaaraya 46 cod.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawari ayaa helay 45 cod, halka Fowsiyo Maxamed Sheekh ay heshay  49, ayadoo Daahir Cabdi Cabdullahi uu helay 28 cod.

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose ayaa waxaa ka dhacaysa Doorshada Aqalka Hoose.

Qaybtii Koowaad ee doorashada waxaa kali ah la doortay Cabdirashiid Maxamed Xidig oo haatan ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

C/rashiid Xidig ayaa helay codad Gaaraya 37 cod, ayadoo qaybta labaad ee doorashadu haatan ay socnayso, waxaana tartamaya Xafsa Maxamed Sheekh Cismaan Colow.

Faah-faahin Ku saabsan doorashadaasi goor show filo.