Doorashada Aqalka Hoose ee Beelaha Banaadiriga oo Muqdisho ka dhacday

222

 

Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacday Doorashada xubnaha xildhibaanada Golaha shacabka ee ka imaanaya Beelaha Banaadiriga, waxaana la doortay 2 xubnood.

Doorashada ayaa waxa ay aheyd mid xiiso badan, maadaama kursi ka mid ah ay ku tartamayeen ilaa 3 xubnood, waxaana ay socotay saacado badan.

Kursiga koowaad oo ay ku tartamayeen Haween ayaa waxaa ku soo baxday Biibi khaliif Maxamed oo heshay 47 cod, kadib makii ay ka guuleysatay Qamar Islow Nuur oo aheyd xubintii la tartameysay.

Kursiga kale oo ay ku tartamayeen ilaa Saddex rag ah oo kala ah Caamir Axmed Maxamed, Lutfi Shariif Maxamed iyo Shariif Maxamed Cali ayaa waxaa ku soo baxay Lutfi Shariif Maxamed oo helay 26 cod.