Doorashada Aqalka Hoose ee deeganada Soomaliland oo barri dib u bilaabanaysa

336

Guddiga Hergalinta Doorashooyinka Dadban ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dib loo bilaabi doonto doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee matala deegaanada Soomaaliland.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada maalinta barri oo Isniin ah dib ay uga bilaaban doonto magaalada Muqdisho.

Waxaa barri la dooran doonaa ilaa iyo lix xildhibaan sida qorshuhu uu yahay.

Qoraal gaaban oo guddiga ay soo dhigeen bogga fariimaha gaagaaban ee Twitter-ka ay ku leeyihiin waxaa ay shaaciyeen arrinkaasi

“Results of Somaliland election on friday is nullified; the electoral process wil resume 2morrow with 6 seats to be contested #Doorashada2016

“Natiijadii doorashada Soomaaliland ee Jimcihii waxaa la laalay, geedi-socodka doorashadu waxaa ay  bilaan doontaa Barri ayadoo la qaban doono doorashada 6 kursi”  ayaa lagu yiri warka gaaban ee guddigu ay soo saareen.

Arrintan ayaa timid ka dib kulamo gooni gooni ah ay maanta Muqdisho ku yeesheen xubnaha guddiga doorashada.