Doorashada Aqalka Hoose ee gobalada Woqooyi oo maanta mar kale ka dhacday Muqdisho

319

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la doortay Afar kursi.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, ayaa mar kale ku guuleystay doorashada Kursiga Aqalka Hoose gaar ahaan Kursiga Beesha Ciidagale, Baha Deqsi, isagoo helay 47 cod.

Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Muse Dhariyo waxaa  ku guulestay Saciid Maxamed Maxamuud, oo helay 43 cod.

Waxaa kaloo kursiga Beesha Arab, gaar ahaan jufada Gulane, ku guuleystay C/risaaq Dahir Maxamuud, oo la tartameysay qof haween ah, isagoo helay 49 cod.

Kursiga Beesha Ciidagale, jufada danwadago, waxaa ku guulaystay Biixi Iimaan Cige,  waxaa uu helay 47 cod.

Doorashada afarta kursi ee kuraasta Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa waxay tirada illaa iyo hada Muqdisho lagu doortay ka dhigeysaa 29 Xildhibaan, waxaana ka harsan 17 Xildhibaan.

Xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa doorashadooda ay tahay mid qabyo ah, iyadoo aan illaa iyo hada la dooran Xubnaha u matalaya Aqalka Sare oo wali la isku heysto.

doorashada8doorashodoorasho2doorasho3doorasho4doorasho6doorasho7