Doorashada Aqalka Hoose ee Jowhar oo maanta ka adag maalmihii hore

391

Maagalada Jowhar ee gobalka SHabeelaha Dhexe ayaa waxaa maanta ka dhacaysa doorashada xubnaha Aqalka Hoose.

Shaly oo jimco ahayd magaalada jowhar wax doorasho ah kama dhicin.

Xubnaha maanta la dooranayo oo tartanka adag dhexmari doono waxaa ka mid ah wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyadda Xuukumada Soomaaliya Cabdulaahi Maxamed Nuur ,xildhibaan hore Bashiir Cadow Calasow iyo Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.

waxaa sidoo kale  jira kursi kale oo lagu tilmaamayo midka ugu adag doorashada aqalka hoose ee Hirshabeelle,waxaana Kursigaas ku tartamaya 4 Musharrax oo kala ah  Maxamed Abukar Islow (Ducaale, Xaliimo Cali Cariif, Cumar C/qaadir Axmed (Cumar Shariif) iyo Madiina Caamir Maxamed.

Kursiga saddexaad ee maanta waxaa ku tartamaya Musharrixiinta kala ah Cusmaan Maxamed Cabdi, Maryan Axmed Cabdulle, Caasho Cumar Axmed.

Sidoo kale Kursiga Afaraad ee maanta lagu wado in lagu doorto Jowhar waxaa ku tartamaya Musharrixiinta kala ah

C/sataar C/salaan Sheekh Xasan Barsane, Xasan C/llaahi Maxamed, Maxamed Yaaquub Xasan, Mustaf Sheekh Cusmaan.